what that something is. Many thanks for..

Maanso guusha

Table ReservationSee MENU & Order

Maansada: Haw Raxlayn kalgacaylka. Run ha moodin jacaylka, Haw raxlayn kalgacaylka, Ha ragaadin hankaaga, Oo ha riiqin naftaada, Haw riyaaqin war beena, Hayska raaridin meelna, Ha ku roorin waraabe, Oo ha…. Maansada: Billaahi ammaan isii. Maansadan Billaahi ammaan isii waa maanso foorjo ah oo ka turjumaysa dareenka gabadh ka niyad jabkay nin ay hore isku jeclaayeen oo haddana u sheegaysa inaanu boos nolosheeda uga bannaanayn. Jacaylkan anaa ku baray, Haddana….

Suugaantu waa hibadayda, Habka weeye aan ku adeegto, Hubka weeye aan ku ugaadhto, Qofkastoo dantiisa hallawsha, Jidka weeye aan ku hanuunsho. Hal-abuurku waa magacayga, Gabayaagu waa hiddahayga, Curiyaaga heesiyo sheeko, Saarkiyo mullaaxdiyo…. Cishqigan aan qabo jacaylku, Codkaaga markii u waayey, Catoobay dartii la dhuubtay,…. Adaa derejada abwaan, Digreeto ka qaatayoo, Godadka maansada dagee, Khaliif ila daadahee. Adaan dan…. Gaf waa laga…. Taas oo in badan Abwaaniin hore iyo hal-dooro kaleba wax badan ka yidhaahdeen, haddana may noqon mid anfacda ama kaafida baahida loo qabo in laga fur-furo bulsho waynteena….

Abdiqaadir Qalinle. Blog at WordPress. By continuing to use this website, you agree to their use. To find out more, including how to control cookies, see here: Cookie Policy. Post to Cancel.Maansayahanka waxaa godla ama ka hadliya dareenka iyo duruufaha la soo darsa bulshada uu la noolyahay, mid siyaasadeed mid dhaqan -dhaqaale iyo guud ahaaba wacyiga xiligaa taagan. Marka laga yimaado dhacdooyinkaa guud ee maasadani ka faaloonayso waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa ama ka hor jeeddaa aragtida ku baaqaysa dimuquraadiyadda iyo dhalan-rogga sooyaalka umadeed.

Naflaha Ale dunida ku uumay ma jiro mid aan ismaamulin. Xataa xayawaanka waxaa tusaale la inoogu sheegay shinida iyo boqortooyadeeda. Dagaalkii labaad ee adduunku markuu dhammaaday waxaa bilaamay loolan xooggan oo dhex maray quwadihii bariga iyo galbeedka waxaana kala hoggaaminayay midawgii soofiyaati oo bariga horbooyadya, halka galbeedkana uu budhtuur u ahaa Maraynkaku. Waxaan laysku haystay sidii loo kala jiidan lahaa bulshooyinka caalamka. Soomaaliya xiliyadaa waxaa ka curtay kacaan cusub oo askari hoggaaminayso waxaanay si jar-iska-xoornimo ah u qaateen aragtidii shuuciyadda oo Ruushku gadhwadeen ka ahaa.

In kasta oo maskax muruq iyo maalba la isugu geeyay nidaamkaasi ma galin bulshadii Soomaaliyeed, waxaanu sabab u ahaa burburka iyo barakaca ilaa maanta haysta.

maanso guusha

Sideedaba dhismaha maamul waxaa lagu dul bineeyaa diinta iyo dhaqanka umaduhu ay aamisan yihiin. Biyodhaca u jeeddadaydu waa ma sii shaqayn karta dimuquraadiyadda maanta dhagaheena ka badatay ee reer galbeedku dhaqaalaha la daba socdo. Nidaamkan dadka ka soo horjeedaa waxyaabaha ay ku diidan yihiin waxaa ka mida in uu soo saaro cid aan ku habboonayn in ay xil ummadeed qabato. Sidoo kale looma jili karo qaabka ay u rabaan qarbigu in loo dhaqan galiyo. Sidaa daraadeed waxay ila noqday gaadhi aan isbeer baadhkiisu dalka oolin balse Yurub iyo Maraykan laga soo waarido.

Sababahaas ayay maasadani uga hor jeeddaa dimuquraadiyada waxaanay ku baaqaysaa in loo noqdo diinta iyo dhaqanka lana waafajiyo nidaamka dawladeed ee casriga ah. Rah baa dhalan dhoolka Haraadkiyo dhiifta Markuu dhabankiisu Dhulkii qaban waayay Ayuu dhaqankeena Dhabeel garaynaysa Wax dhuunta u qooya Dharaar ka amaahday Markuu dhahar doogay Xareedna ku dhaashtay Ayuu dhacadiidka Dhagaaba furaystay Xusuusna ka dhaartay Dhaayaa aragooda Dhamaaso hasaarin Dharaar ha is waayin Dhaliishiyo ceebta Intaada bal dheeho Dhegtaadana xeeri Samaana hadhaafin Aduunkiyo dhiiga Colaadiyo dhawrta Dhufaanada qooqay Dhashii badar diiday Dhufayskiyo shiishka Dhunkaal lagu hoobay Dhawaaqiyo taaha Dhamaan ka sinaatay.

Dhafoor warku yaala Anaan kaba dhawrsan Calaw dhaka faarka Bulaaliyo dhoodi Markaan baqal dhaafshay Dharkayn kiyo ciinka Dhilawyahan mooday Dhabbii noloshayda Habeen dhax ka doortay Haduu dhulku ooyo Dhaliisha ku maaleh Shinida dhaqankeeda Aboor dhaxalkiisa Qudhaanjada dhaadan Dhanbaalkiyo baaqa Aqoonta ka dheego Hankaaga ku dheewad Hadii dhalankaaga Wax sheegu dhibaayo Dhagaysiga weedha Hadaad ka dhabriirto Dhanbaalada faanka U dhoola cadayso Jidkii dhahar qaado Hadhuubka dhitaysan Adaa dhami doono kaliishiyo dhuuga Dhal haadiyo oonka Dhedoy ayaxaagan Dhaqaalaha fuulay Miyaanu wax dhaafin Abaar la dhuyaalay Cirkoo dhalma daayey Habeen dhafarkiisa Dhalaan kugu ooyey Dhaameelkiyo laanta Dhigaanka nin doontay Dantiisa u dhoofay Halkuu dhacadiido Maxaa dhamac jiifta Dhabeel nin jeclaaday Asaan dhaqankeeda Dheehaw garanaynin Haday dhudi diido Dhexbaa la noqdaaye Canaanta dhankeeleh.

Xikmad Gaaban Oo Ku Saabsan Sirta Guusha

Dhawdhawle afkiisa Dhibbuu ku sitaaye Qajeel iyo dhaaxa Dhurdaan malab dayne Arbaw dhitis kaagu Xil waa dhalanteede Maxaad ugu dhiiran Baraa dhalankiisa Dhurwaa socodkiisa Dhegtiisiyo muuqa Dharaar lagu maagay Wuxuu yidhi dheega Malaa dhinacayga intuu dhidar joogo Dhaliil ma mutaysan Yaxaas dhagartiisa Ilmuu ka dhigaaye Afkaaraha Devid In aan u dhegtaago Dhabaa dimuq daarka U dhoola cadeeyo Habeen dhuxul qaato.

Dhuu baa la xidhaaye Dheegaw noloshayda inaan dhalan doorsho Dhib laygu amaano Waxaan i dhaqaynin Dhulkayga la keeno Dhabcaal kama yeelin Dhaqaale yabooha Maxaan ugu dhiiran Dhibaada u raadsan Dhoomaa tala dayda Nimaan dhaxal joojin Maxaan ugu dhiibi Dhalaanka sidiisi Maxaan uba dhawr san Dhar beena u qaadan Cabdaw dhalanteedka Run baa dhinac taala Dharaar nin ka cawday Habeen uma dhaamo. Xuquuq ma dhalaysa Haweenka dhagaystay Islaamka ma dhuuxin Waxbaa la dhugtaaye Aduunku dhac maaha Abuurta ku dheehan Nin dhuuni ku raadshay Halkuu dhigay maaha Awood nin ku dhaatay Siduu dhahay maaha Dhamayskiyo heega Dhiskeeda nin ee gay Aqoon ku dhawaaday Yiqiinta ma dhaafo.

Dhigbaa la aslaaye Tukaw dhalankaagu Colaad iyo dhiilo Hadaan dhib la sheegin War dhiiflihi oo lin Malaa laf ma dhuuxdid Dhabbaal warintiisa Nin keygan la dhuubtay Habeen dhalad miihi Qur baa uma dhoofin Colaad iyo dhiilo Hadaanan dhib sheegin War dhiiflihi oolin Hadhuubkiyo dhiisha Dhankaan u aroorin Dhalooshiyo boocda Libaax kuma dhuunto Dhacdooyinka waaga Nin dhoohani eedye Fircoon bal dhegayso Dhafoorkana daawo.

Skip to content. Links Bookmarks Hadhwanaag Maroodijeexnews. Advertisement Ku Xayeysiiso. All rights reserved Website designed by Ramaas Software.ALLE ayaa mahadle. Friday April, 17 - Dowladda Soomaaliya oo ka codsatay deeq bixiyaasha in taageeradooda u wareejiyaan dhinaca caafimaadka. Visits: Rating 0. Albabka Guusha Garaac. Macnaha guusha lagama helo oo kaliya hal meel lakiin waxay dhacdaa xeendaabyo kala duwan sida, nafta, qoyska, saxiibada, shaqada, bulshada, iyo imaan suuban, Bal si taxadar leh u eeg shaxda hoos ku dhigan ee aan adiga kuu sameeyey waa meelaha larabo inaad diirada saarto waayo haddii aad rabto inaad gaadho guul dhamaanteen waa inaad marka hore tixgelisaa qeybaha kala duwan ee noloshaada sameeyn kara.

Abwaan Hadrawi oo kamida abwaanada soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa guusha ku sifiiyey sidatan "Kuma galo aduunyada nine gooni socodkee marwo garasho dheer baa ninka raga u gudinoo ayadaa gudoonkii iyo galhayaha naftaadiye gaadiidka reerkiyo gurgurshaagu noqote arin kula gorfeysee hadaan gaari[1] kula jirin ilaa noloshu guul maleh. Hadaba, Guusha uu tilmaamayo Sayidka waa mid kusaabsan fagaaraha dagaalka. Dadka qaar guusha waxay ku cabiraan maado sida lacagta, hantida, iyo waxyaabaha lagu raaxeysto sida baabuurta, guryaha, quruxda, dumarka, halka dadka qaarna ay guusha ku cabiraaan wax aan maado aheen sida, farxada, caafimaadka, xasiloonida maskaxda, ku qanacsanaanta nolosha.

Maxaase ku cabirtaa? Hadii aad rabto inaad guuleysato waxaad u baahantahay inaad barato sida loo guuleysato, Waqti sii naftaada si ay isigu shuqliso arinkaas. Tusaale, qofka guryahay dhisa ee aan u naqaano fuundi wuxuu garan karaa waxwalbo oo ay oga baahantahay shaqadiisa sida, shamiindo, laamiyidhi.

Dabcan marka ay timaado ku guuleysiga mashruuca hormarinta nolosha, dadka intooda badan waxay jecelyihiin ineey iska guuleystaan ayaga aan soo baranin sida loo guuleysto. Guusha ayee sugaan sida ineey cirka oga imaaneyso oo kale, Inaad guuleysato waxay u baahantahay qorsho, ficil, iyo xirfad. Cilmibaadhis,lagu sameeyey furayaasha guusha loo kaashan karo.

maanso guusha

Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku ujeedooyinkiisa uu qoranayo u qaybiyo kuwo himilada dhow ah iyo himilo fog oo uu hiigsanayo mar dambe in uu gaadho. Waa in uu qoro jidka uu u marayo himilada dhow oo u kala horreysa sida ay ugu kala muhiimsan yihiin, kadibna uu qoro jidka uu uga wareegayo haddii jidkaas hore xidhmo, waxaa iyaduna marar badan muhiim ah in hawsha uu doonayo in uu ku guulaystaa ay lahaato waqti xaddidan oo uu qorshaysto in uu ku gaadho.

Awoodda saddexan ee qofka looga baahan yahay in uu ku dhaqmaa waa; — Oofin: Oo looga jeedo in qofku marka koowaad garto yoolkiisa iyo halka uu beegsanayo iyo weliba jidka uu u marayo.

Curin: Arrimaha waayo-aragnimada lagu ogaaday waxaa ka mid ah in curintu ay ka mid tahay furayaasha ugu muhiimsan ee guusha noloshaada aad ka gaadhayso.

Api whatsapp link

Curintu waa qofka oo mar kasta maskaxdiisa miira si ay u keento afkaar iyo qorshayaal cusub. Waa qofka oo hal-abuur yeesha mar kasta oo uu hawl ka faraxashana ka fikira hawsha kale ee iyadana ay tahay in uu guul ka gaadho. Qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto dadaalka aad himiladaada ku gaadhayso waa in aad u qaadataa waayo-aragnimo iyo dersi aad ku cibro qaadanayso. Iska jir in qalad aad mar gashay uu kugu noqdo boog abid ku daba socota, si joogto ahna aad u xasuusato, waayo taasi waxa ay kaa hor istaagaysaa in aad dadaal dambe gasho oo cabsi ayaad ka qabtaa in aad haddana qaldanto.

Qaladka ka qaado wixii duruus ku jira, sida in aad fahamto sida uu ku yimi iyo sida ay tahay in aad mar labaad isaga ilaaliso, intaa waxa ka soo hadha waa qaladka in aad dhabarkaaga dambe ka tuurto si aanad dib ugu xasuusanba.

Rajo-san: Rajo samaantu waxa ay ka mid tahay tilmaamaha muhiimka ah ee lagu garto ruuxa guusha gaadha.

maanso guusha

In qofku khayr rajaystaa waxa ay qalbigiisa ku beertaa rajo fiican iyo kalsooni uu naftiisa u qaado, waxa aanay ku dhiirri gelisaa firfircoonida iyo shaqada, arrimahaasina dhammaantood lagama maarmaan ayaa ay u yihiin guusha uu ruuxu doonayo in uu noloshiisa ka gaadho Inaad fahanto nolosha aad ku dhex nooshahay iyo siday u socoto waxay kuu saamaxaysaa inaad si fudud u gaadhi karto guul, waayo wax kastaba marka la fahmo ayaa xalkiisa la heli karaa.

Si gaar inaad u fahanto noloshaada kuu gaarka ah adiga iyo hanaanka ay u socoto ee aad u nooshahay adigu, siiba qaabka aad falcelinta uga samayso ama aad u abaarto waxyaalaha saamaynta ku leh noloshaadu waxay jaan goysaa natiijada iyo maxsuulka kuu soo baxaya.Gabayga ayaa ah waxa ugu sarreeya ee hadal lagu cabiro, ka yaqaana waxaa loogu yeeraa Gabyaa ama Gabayyahan. Gabay waa hadal murtiyeed taxan oo ka kooban beydad tuducyo mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya.

Gabaygu waa murtida ugu weyn ee wax lagu cabiro, Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey falsafad, khayaali iyo naaxiyad. Gabaygu yahay boqorka Suugaanta Soomaaliyeed, isla markaana ah midka ugu adag xagga qaafiyadda, Gabaygu waxa uu uga duwanyahay maansada inteeda kale waxa uu leeyahay miisaan ku salaysan Hojis iyo hooris Qayb hore iyo Qayb dambeisla markaana waxa shardi ah in ugu yaraan laga helo laba xaraf oo isku mid ah oo midna hinjska ku jiro midna hooriska si loo deel qaaf tiro gabayga, laba xaraf oo isku mid ah hadii laga waayo gabaygaasi waa deelqaaf nuuqus mana deel qaaf tirra, si kastoo gabaygaagu u miisaamo shaqalka iyo hadanaa haduusan deel qaaf tirrayn gabaygaasi waa jacbur.

Gabaygu waa boqorka maansada soomaalida haddii la eego jacaylka weligii loo qabey iyo sida weyn ee uu u taabbo galay. Muddo dheer wuxuu ahaa dariiqa ugu habboon ee ay dadku warbixinta isugu gudbiyaan taariikhdana ku kaydiyaan, isla markaa isku ammaanaan, isku abaal mariyaan, iskula taliyaan, ku xafiiltamaan ku dagaallamaan kuna haasaawaan.

Geeraarka, jiiftada, buraanburka iyo heesaha qudhoodu xoog iyo xiiso badan waa ay lahaan jireen, laakiin midkoodna ma yeelan awoodda iyo qiimaha gabayga. Gabaygu waa hubka laba afle ah oo nimba dhinucuu rabo u adeegsado, wuxuuna qaban karaa wax seef iyo waran qaban karin, soomaalida ayaa gabayda markii dareen jiro sida Murugada, Gumaysiga, Dhiidhada, Colaada, Farxada, Guusha, Guubaabada, jacaylka.

Gabayga ayaa ka dheerayn jiray haada iyo gaadiidka, isagoo la isu marin jiray meelo fog fog. Gabaygu ha u badnaado loollanka iyo fadqalallada cidaha ka dhex aloosan, wuxuuse ka tegey dhaxal culus oo dhinac walbaba leh, baroordiiq, kaftan, diin iyo sifaynta waayaha iyo dabeecadda intaba leh. Ma aha wax iska abuurma ama la iska tiriyo oo dabadeed iska macno beela, ee mar walba wuxuu ahaa warbixin ku saabsan waqtiga la marayo iyo xaaladda nololeed ee qof iyo bulsho lagu jiro.

Acme pocket door rollers

Haddii aynu waddadii dheerayd ee uu gabayga soomaalidu ku soo hayaamay dib u milicsanno, waxaa aynu arkaynaa in uu soo maray maraxalado badan oo ay mid waliba sawir xoog leh inaga siinayso waqtigeedii iyo xaaladdeedii. Mar haddii aanay bulshadii hore wax qori jirin maansada uu gabaygu ugu horreeyaa waa dhabbada keliya ee looga aroori karo taariikhda iyo hiddaha soomaalida [4].

Ninkii gabay loo tiriyo wuxuu dareemi jiray sidii in la dullaystay oo kale, markaasbuu isna tirin jiray mid aan kii ka dhicin, dad weynaha ayaa mar walba ahaan jiray xaakinnada gabayada, waxaa jira silsilado gabayo ah oo la isu tiriyay oo caan ka noqday gayiga soomaalida oo dhan, waxaa ka mid ah: Silsiladii GubaSilsiladii Halacdheere, Silsiladii Siinleey, Silsiladdii Deelleey iyo kuwo kale oo badan.

In kasta oo uu gabaygu qiimahaa sare ee aynu ka hadalnay weligii lahaa haddana isaga ayaa maansada soomaalida ugu adag marka ay tahay curinta. Wuxuu ka kooban yahay beydad isku miisaan iyo isku qaafiyad ah. Miisaanku waa dhererka ereyada iyo shaqallada ku jira. Qaafiyadduna waa xaraf beydka labadiisa qaar meel xaddidan joogto uga gelaya. Qaafiyaddu waxay noqon kartaa kow iyo labaatanka shibbane mid uun, ama shanta shaqal oo isku qaafiyad ah.

Si kasta oo sharciyadaas cilmi ahaan loo barto qof waliba gabay ma tirin karo haddii aanay xeerarkaasi si dabiici ah maskaxda ula falgelin. Sababta ay dadka qaar iyaga oo carruur ah sirta gabay curinta u helaan qaar kalena iyaga oo duqay ah beyd keliya u dhisi kari waayaan waa arrin kollay aniga yaab ila ah. Taa darteed shaki badan baan ka qabaa qof aan af soomaaliga u dhalani, si kasta oo uu xeerarka maansada u barto, in uu gabay curin karo. Waayo haddii uu qofku naftiisa ku jujuubo gabay aanu awood ama hibo u lahayn, aad ayuu uga qiimo hoosaynayaa ka uu isaga gabaygu khasbay ee ku abuuray xanuun iyo welwel uu ka seexan waayey.

Maansoyahanka runta ah waxaa lagu tilmaansan karaa murtidan Hadraawi ee ah:.Ku soo Dhawoow Mareegta Far-Shaxan. Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan. Hordhac Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo.

Samaynta Qorshaha Guusha Lagu Gaadhikaro

Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo. Wuxuu Hadraawi la jaalyahay dadka maxaysatada ah, kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda,iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada. Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba,dhaca, yasa,xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga.

Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa hadheeyo,waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaallagu kala dhaqaajinayo,laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa uu qaldaayo,dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay.

Waxa Hadraawi yahay qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.

Hadraawi waa ninka keliya ee Somali soo maray ee aan weli lagu arag isagoo qof ama dad ku maagaya maanso ama gabay,marka laga reebo keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre,Hadraawi waa ninka keliya ee abwaanimadiisa loogu saxeesayo in uu yahay waddani, waa ninka keliya ee suugaantiisa aan aan laga helin iin ama qalooc, waa ninka keliya ee la odhan karo waa abwaan, hal abuur, suugaan yahan ah, Hadraawi waa nin illaahay hibo u siiyey hal-abuurnimada, abwaanimada,Magaca Hadraawi wuxuu kula baxay, isagoo aad u yar oo Cadan malcaamad ku dhiganaya, ayaa macalinkiisii oo nin carab ahaa ayaa wuxuu arkay isagoo caruurtii quraanka dhiganaysay jeediyey oo sheeko caruureed uu miyiga ku soo bartay uga sheekaynaya,caruurtaas oo carabta ku dhalaytay xiisaynaysana sheeko caruureedda, ayaa macalinkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu isi soo daba taagay Hadraawiyoo caruurtii laga doonayey inay wax akhriyaan sheeko caruureed dabada u haya.

Buugga Cusub ee Sirta Guusha W/Q: Hassan Mudane

Macalinkiisii ayaa inta uu dhenged dabada u qabtay ku yidhi. Halyeynnimadaada sheelan Habawgiyo dhiirintiisa Ayaan halis kuu tusayne Intaan kugu hawlo-daaley Intaan kugu hoodo-sheegtay Intaan hebla' kuugu faanay Hilaado fog bay lahayde Inaan hafarkaaga qaato Sidaad ku heshaa da' weyne Adiyo habigaaga mooyi!

Habaaska inaad cantuugto Adoo hanadaan ka dooratay Xaggayga hibaan ku saaray Anigu ku habaari maayo Huqbaase ku raadinaysa Hibaaq xalan maad ahayne Hufnaanta dhibtii abuurtay Inaanay hadhayn yiqiinso! Hawaala adduun rabbaa og Dadkuna kala hoodo weeye Haddeer iyo tii haddeer Hadhow iyo tii hadhow Hoosiyo sare tii ku raacda Anuunbaa hooyadaaya.

Kings nursery

Asmadiyo xanuunkiyo Aynfaadku saarraa Ma abaabulkii baa? Oohowda waallaa Ma dabkaan afuufee Aasee bakhtiiyaa Ololkiisu baxayaa? Kalgacaylku aafiyo Urugiyo dhib badanaa Kasha nugul ka adakaa Soo aarey nabarkii Ma alwadey sidii geel Edeg madhan ma deydeyey Sida bahal ma oogsadey Ma illaday kabtii jaan Ma ku jiitey awdalan Ma arooryadii baa? Waabayda udugga leh Idin laygu shidi jirey Abbaartayda saakana Ma adeeridii baa?

Sidaan aar libaax ahay Araggaygu didin jirey Arraweelo dumareey Arrimaha dhexdeenna ah Asaraari maayee Igu tidhi "ha ii iman" Anna waan hubaayoo Inaan uurka kaa jaro Afar iyo shan goor baan Axdi kuugu qaadoo Misna oofin waayee Isma ogiye goormaan Tolow aqalka soo galay? Ma naftii ku eeddeed Obocdeeda karisee Ishu kaaga fagantaan Usha kaaga reebaan Igdhayee sabaayee Uubaale geeyeen Meelaanay kaa arag Ku ilaalinaayaa Soo jiidhay ooddii Ma adaahidii baa?

Addinkaaga hoos taal Aburkiyo xarraankiyo Orka iyo mashxaraddiyo Alalaaska baxayaa Ma ujeeddadaasaa? Ma addoonsigeeda? Ajar kuugu sugan yahay? Arxanlaay karkabaddiyo Araggaygu murugiyo Yaanu umal ku saaqoo Anfariir ku geliyiyo Kugu noqon af kala qaad Arrintayda gabadh yahay Nin ambaday ka soo qaad Naftan oonku shidayee Deyn weydey ololkaa Amankaaga dhalisee Abhin iyo tusaaliyo Ergo waaya hadashiyo Imisaan karaankay La cuskaday aqoonta?

Ma waxaanan odhannoon Ka illaawey baa jira? Hadday diiddey amarkii Ka irdhowdey taladii Oggolaatay dala'siga Eelka maanigaa dhigay? Indhahaagu kululaa Eebadaadu toganaa Warmahaagu adakaa Arammida ku haysiyo Aanadaadu weynaa Yaad ka aarsanaysaa Ma nin aabbahaa diley? Nin astaamahaagiyo Quruxdaada oog iyo Ubax dharan ku sheegoo Ammaantaada koobaa Eed beeli waayee Erey tuurleh ruuxii Afka kaa yidhaahdiyo Utin nimaad ku leedahay Waa maxay abaalkii?

Sow ma tihid ilayskiyo Iidaanka noloshiyo Iimaanka lahashada Sidaan kaaga oolaa? Immisaan ku jiri baaq Heestii ukulidiyo Cabashiyo abla-ablayn? Maadigaa awoodda leh Taladiyo ummuuruhu Ma sidaad u aragtaa?Jaamac Axmed Xaamud Beenaley, M. Qamaan C. Haabiil Cali-nuur M. The largest online collection of Somali poetry.

Gabayga Iftiinkii-Guusha & Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey (Afjano)

Boggan suugaanta qoraalka ah waxaad ka helaysaa suugaan badan oo xul ah oo ay reebeen hal-abuuradda Soomaliyeed gaar ahaan kuwa aan is lee nahay aad ayaa loo xiisaynayaa. Waxaa xaqiiqo ah in aad is leedahay tollow maxay hebel ama hebel magaciisa u xusi waayeen, kaligaana ma aha ee dad badan oo kale ayaa laga yaabaa inay is waydiinayaan sababta loo xusi waayey abwaano kale oo laga yaabo inay qalbigooda aad ugu dhow yahiin.

Haddaba la soco akhristooy in ay adag tahay in la wada xuso ragga maanso-ruugyada ah ee Soomaaliyed. Haddii uu jirro qof aad si gaar ah u xiisaynayso aadna jeceshahay in maansooyinkiisa lagu soo bandhigo doollo. Maansooyinka aan muhiimadda gaarka ah siinayno waxaa kamid ah kuwa aan is lee nahay aad looma maqal ama waxaa dhici karta in dad badan oo akhrintooda xiisaynaya ay jiraan.

Gaar ahaan kuwa dhaqanka bulshada Soomaliyeed ku taxaluqa, kuwa gumaysi iyo gardarro diidka ah, kuwa nabadaynta iyo khilaaf dhimadda ummada Soomaliyeed ka hadlaya, kuwa muhiimadaha taariikhiga ah leh, iyo kuwayoow kale oo badan.

Waxaan rajaynaynaa inaad ku qanci doontid dhamaan dhinacyada kale duwan ee nolosha insaanka la xidhiidha sida taariikhda, suugaanta, dhaqanka iwm ee uu hoygani uruuriyo. U jeeddo aan ahayn uruurinta, kaydinta iyo darsidda suugaanta miigan ee Soomaaliyeed oo aanu ka leenahay hoygan ma jirto. Wixii fikrad ah noo soo xuli mail doollo. Maxaa loo Gabyaa? Geeraar waa nin wanaajiyo Ninuu waraar kaga oodmiyo Nin sidayda warkiisiyo Wacdigiisa yaqaana Raage Ugaas.

Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada e Kasha muran kuyaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho Dhoodaan.

Gabay aan abuuraa hadduu, aniga ii muqdo Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abaaraaye Ayaan kale astaan lehee waxaan, arar ku faaleeyay Ruuxii aftahan loo yaqaan, ama abwaan sheegtay Wax if jirra wax aakharo jirriyo, waxaan la eeganba Waa inuu ogaadaa siddii, uur-ku-baalaha ee Aadmiguna sidduu aawilaa,dhaaxba la arkaaye Amin soo socdaa wuxuu ahaan, waan odorosaaye Dhoodaan.

Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma yeeshaanee Yuusuf Qabiili.

Dhawrkaa tixood een kor ku xusnay waxay tusaale u yihiin ujeedooyinka badan ee ay abwaanada Rabbi u dhibyareeyey samayn gabayga u gabyaan.

Waxaa la odhan karaa Soomaalidu waxay gabay ku sheegtaa ujeeda kasta oo qofka insaanka ah qalbigiisa kusoo dhici karta. Maahmaahda, dhaantada, guurowga, heesaha, buraanburkuba, geeraarka, masafada, iwm waxay ka mid yihiin kuwayaalaha gabayga la bahda ah ee qofku ku cabiri karo dareenkiisa. Gabay kasta oo aad akhriso ama dhagaysato bal waxaad isweydiisaa ujeedada abwaanka ku kaliftay inuu gabaygaa sameeyo.

Waxaa dhici karta inaad si dhib yar u aragto ujeedooyinkan aan kor ku xusnay iyo kuwa la mid ah oo ku xambaaray abwaanka inuu gabyo. Bidhiidh M. Singub Maxamed C. Stanza M. Suugaan Qoraal ah. Aabi Duulaa. Abshir Bacadle. Aadan Carab. Aadan Gurey. Afhayeenkii Ogaadeen.

Büchi automata

Aw Faarax Jibriil. Aw-Yuusuf Barre. Axmed Nuur Aadan.Waa maxay sirta lagu guuleystaa? Jawaabta su'aashani waa dulucda ku duugan sheekadan gaaban. Wiil dhalinyaro ah ayaa sirta guusha weydiiyey faylasuufkii caanka ahaa ee la odhan jiray Socrates. Socrates waxa uu wiilkii usheegay inuu subaxda xigta ugu yimaaddo webiga agtiisa. Sidii ballanku ahaa waxay ku kulmeen webiga jiinkiisa, socrates-na wuxu wiilka ka codsaday inuu la dhexmaro biyaha.

Kolkii ay biyuhu kor usii udhafayeen luqumahooda, ayuu socrates si yaab leh uqabtay una quusiyey wiilkii. Wiilku wuxu uhalgamay siduu uga bixi lahaa biyaha — balse Socrates oo ka itaal roon ayaa ku dhex cadaadinayey halkaas, mana uu awoodin inuu kor uqaado madaxa.

Markii uu haftay oo uu halis gaadhay, ayuu socrates biyaha kasoo bixiyey. Wixii uhorreeyey ee wiilku sameeyeyna waxay ahayd neef dheer oo uu qaatay. Intaa kaddib Socrates ayaa su'aalay wiilkii: "Maxa ugu badnaa oo aad dooneysay, markii aad biyaha ku hoos jirtay? Kolka aad guusha udoonto si udaran sidaad hawada urabtay — waad helaysaa guusha.

Tags: Murti iyo meeris sheeko-gaaban. Facebook Twitter. Search results. Ugu akhriska badan. Murti iyo xikmado xeeldheer April 29, Xikmad iyo oraaho kooban qaybtii Labaad December 09, Q1aad:murti iyo maahmaahyo somaliyeed January 26, Murti iyo maahmaahyo faahfaahsan July 01, Popular Posts.

Follow by Email Get all latest content delivered straight to your inbox. Subscribe Us. Menu Footer Widget. Home About Contact Us.


Join the Conversation

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *